Wariyayaasha Puntland oo koob uga furmay Garowe 25.12.2014
Afar kooxood ayay u kala baxeen wariyayaasha uu koobkan uga bilowday Garoonka Kubadda Cagta iyo Jirdhiska ee Puntland Fitness ee Garowe, kuwaasoo kala ah Kooxda Idaacaddaha,Kooxda Telefeshinadda madaxda Banaan, Kooxda Puntland Tv iyo kooxda Weysayd-yadda. Xalay ciyaartii ugu horaysay waxaa lagu daah furay kooxaha Puntlnad TV iyo Idaacaddaha,waxayna guushu ugu danbayntii raacday kooxda Idaacaddaha oo ku adkaaday shan gool iyo afar. Caawa waxaa dheelaya Kooxaha Websayd-yadda iyo Telefeshinadda madaxa Banaan. Cali Cabdi Ducale ayaa tabinayay ciyaaarta.
Похожие видео
Показать еще