Xadiis aad u cajiiba oo taabanayana qalbigaaga, nolosha Barzakha

02.12.2016
Halkan ka akhriso Xadiiska oo ku turjuman Afsoomaali: http://gaaldiid.com/waa-sidee-xaalada-dadka-dhintay-iyo-nolasha-barzakha/ Fadlan khayrka sii faafi □ Nagala soco bogeena Facebooka https://www.facebook.com/gaaldiid/ https://www.facebook.com/abdulazizoogle https://www.instagram.com/gaaldiiid/ http://gaaldiid.com/ https://twitter.com/hishaami Xaalada ruuxa dhintay ee nolosha Barzakha waa laba nooc, waa xaalad nicmo iyo xaalad cadibaadeed. Waxa sifiican usoo koobaya Xadiiskan saxiixa ah ee kusoo arooray kitaabka Bukhaari, baabka tacbiir ar-ruyaa:- Xadiis Cajiiba: Sumrah ibnu Jundub waxa laga wariyey inuu yidhi; “Rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu ahaa mid badiya inuu waydiiyo asxaabtiisa, midkiin ma arkay riyo, waxa u warrami jiray cidii Allah donay ee u warrantay,” wuxuuna maalin barqo a yidhi: ” waxa xalay ii yimid laba ii yimid (laba Malag), wayna ila baxeen, waxayna igu dhaheen ina keen, waanan la baxay macooda ayaga, waxaan dul tagnay nin jiifa mise waxa la dul taaagan dhagax mid kale, wuxuuna dhagaxa kusii daynayaa madaxiisa, waxa qarxaya madaxiisa markaasuu dhagaxii turturoonayaa, dhagaxii ayuuna daba galayaa wuuna soo qaadanayaa, kuma soo laabanayo ilaa uu madaxiisii kusoo noqdo siduu ahaa, kolkaasbuu soo noqonayaa ninkii oo ku dhufanayaa sidii markii hore oo kale, wuxuu yidhi (nabigu) waxaan idhi; subxaanAllah, waamxay labadani? waxay igu dhaheen; ina keen inakeen!! wuxuu yidhi-, waan baxnay anagoo kor nimid nin afka u jiifa, mise nin kale ayaa la dul taagan kalibada (maqas) xadiid ah, mise wuxuu u imanayaa mid kamid ah labadiisa dhaban, markaasuu jeexjeexayaa dhabankiisa ilaa uu kaa gaadhayo qoortiisa, iyo sankiisan ilaa uu ka gaadhayo qoortiisa, iyo ishiisan ilaa qoortiisa, wuxuu yidhi, waxa laga yaabaa inuu Aburajaa yidhi; wuu ku jeexjeexayaa, wuxuu dhahay (nabigu); markaasuu isu rogayaa jeeniga kale, wuxuuna ku samaynayaa sidii jeenigii hore oo kale, markuu ka faaruqo jeenigaas mise jeenigii kale wuxuu kusoo noqonayaa sidii uu ahaa, kolkaasbuu ku celinayaa sidii uu falay markii hore oo kale, waxaan idhi; subxaanAllah, waamxay labadani? waxay igu dhaheen; ina keen inakeen!! wuxuu yidhi; waan baxnay anagoo tagnay wax u eeg sida moofada, wuxuu yidhi (saxaabigii) waxaan u malaynayaa inuu yidhi: waxaana ahaaday meeshaas qaylo iyo codad, wuxuu yidhi (nabigu) waan fiirinay hosteeda mise waxa ahaaday niman iyo dumar qaawan, mise waxa soo gaadhay dab kaga yimid xaga hoose, kolkuu holacaas soo gaadhu ayey qaylinayaan, waxaan idhi: maxay ahaayeen kuwan? waxay dhaheen: ina keen ina keen, wuxuu yidhi; waan soo baxnay, waxaanan nimid (aan filaayo inuu yidhi) wabi cas sida dhiiga, wabigana waxa ahaaday mid dabaalanaya, waxaana ahaaday qarka wabiga nin oo urursaday dhagxaan farabadan, markuu kii dabaalanayey uu soo dabaasho ayuu u imanayaa kii dhagxaanta ururshay, kolkaasbuuna afkiisa u furayaa oo isna ku tuuraya dhagaxii, wuuna tagayaa isagoo dabaalanaya wuuna soo laabanayaa, markasta oo uu soo laabtana, afkiisu kala furaya

Похожие видео