Duqa Muqdisho oo qirtay Dacwadii Dahir Alasow ee Holland laakiin maxaa dhacay
Maxkamadda Racfaanka Amsterdam waxey riday xukun lagu tilmaami karo Poor Judgement - Xukun cadaaladda ka fog sida Waagii Dahabshiil xukunkii Maxkamadda Racfaanka Denbosch. Waxaan arkay Cabdiraxman Yariisow oo ku faanaya Dahir Alasow ayaan dacwadii uga guuleeystay ,taas waxey la mid tahay Faankii Cabdirashiid Dhiigshiil uu Tv-yadda la fadhiyay markii uu Maxkamaddii Racfaanka Denbosch iiga guuleeystay. Cabdiraxman Yariisow waxaan leeyahay hambalyo inaad dacwadii Maxkamadda Amsterdam iiga guuleeysatay laakiin ogoow Appeal ayaan ka qaatay Xukunka liita ee Maxkamadaas ka soo baxay . waxaan isla Aadeeynaa Supreme Court. dacwaduna waa socon doontaa ilaa Maxkamadda sare ee Midowga Yurub. Cabdirashiid Dhiigshiil markuu iiga guuleeystay Maxkamadda Racfaanka Denbosch wuxuu soo fariistay Tv-yadda isagoo faraxsan laakiin anniga maalintaan ka guuleeystay Tv ma fariisan, waxaan maqlaayey isagoo adkeeysan waayey oo oohin qol soo xirtay. Adigana maalintaada ayaan kula sugayaa, hadaad iiga adkaatid kuwa kalena waa ragganimo. MA JIRTO CID AFKA I QABAN KARTO, WAANA SII WEDI DOONAA INAAN SHACABKA LA WADAAGO DHAMAAN TACADIYADA AAD GEEYSATAY, GABDHAHA OOYNAAYO EE LEH WAXAA I UUREEYAY YARIISOW, WAA KU QASBANAHAY INAAN CODKOODA BAAHIYO. HADDII XITAA TOOGASHO LA IGU XUKUMO. Waa ku qasbanahay inaan fuliyo dhamaan xukunka liita ee Maxkamadda Amsterdam ka soo baxay laakiin taas micnaheedu maaha inaad afka i qabatay iyo iney wax ka bedeli karaan qadiyadeeyda inaan u dooda kuwa aan codka laheyn. By Dahir Alasow