Reer Somaliya oo ka yaabay sida ay u liitaan kuwa Somaliland ka soo jeeda ee Muqdisha u shaqo tagey HD
Reer Somaliya oo ka yaabay sida ay u liitaan kuwa Somaliland ka soo jeeda ee xukuumada Muqdisha u shaqo tagey. ---------------------------------------------------------------------- Waxa qoray - Haabiil Abdi Haibe ; " Xilibaanada Somaliland kasoo jeeda khaasatan kuwa isaaq waxaan idin leeyahay is qarariya sida gabadh la kufsaday mar hadii aad dullinimadiina xitaa garan weydeen oo aad u haysataan inaad xil haysataan. Xilibaanada isaaq khaasatan waxaan leeyahay waxaad tihiin call box lacag lagu shubto oo aan wax Macno ah kulahay Muqdisho iyo guud ahaan dalkaba. Golaha siyaasada Somalida waxaa markaan doodnaba nalagu yidhaahdaa xilibaanada Somaliland waa kuwa lagu tashado xiliga doorashada oo codka lagu kala baxo weeye marka doorashadu dhamaatana kuwa ugu liita ee aan xitaa gorgortami karin inaad tihiin oo aydaan macno lahayn inaad is ogaataan weeye xanta iyo waxa laydinka aaminsanyahay. Xasan sheikh maxamuud iyo Rooble haday ogyihiin inaad qadiyad iyo dhiig leedihiin marnaba idiinma quudheen bahdilka aad ku jirtaan ee ah inaydaan Muqdisho waxba ka Ahayn oo aydaan karaamo ku lahayn oo wiil Ogaadeen ah oo aan dalkaba dagin laydinka sare mariyey idinkoo wada dhooban. Wasiirada federaalka ugu liitana idiinmeey quudheen hadaad dad micne leh tihiin. Doorashada Somaliya ee soo socotana Waynu wada joognaa bal inaad macno yeelataan. "